HCV Advocate Logo HCV Advocate Logo
Contact Us Site Map Resources en Espanol
For living Positivley. Being Well
About Hepatitis
Hepatitis C
Hepatitis B
Fact Sheets
News Updates
Community & Support
Resource Library
About Hcsp
 
 
Hepatitis C
Back to Hepatitis C

Caaarshowga C: Aasaas Tusmada Fahanka Ku Saabsan Kahortagga, Aqoonsiga Cudurka, iyo Maamulidda Cudurka

 

Author(s):
Alan Franciscus
Liz Highleyman

Translation services provided the by Minnesota Department of Health

PDF pdf

 

Hordhac
HCV waa fayrus ka dhasha dhigga. HCV waxa uu jirka soo gala  isaga toos dhiigga u soo mara. Fayruska waxa uu soo hujuumaa unugyada beerka, sidaasina halkaas ku tarmaan. HCV waxa uu huriyaa beerka wuxuna dilaa unugayada nool ee beerka. Illaa 80% ee dadka marka cudurka HCV uu bilawga yahay aya mar dambe isu badalaya mid infekshan ba’an oo dabadheraada – taaso macnaheedu yahay in cudurka uusan meesha ka baxaynin illaa lix bilood. Dadka badankooda ee qaba HCV ba’an uma eka kuwo cudurka qaba si caadi ayayna u nool yihiiin.  

Laakiin, inta u dhaxaysa 10–25% ee dadka qaba HCV ba’an, cudurka waxa uu ku sii faafayaa mudoo u dhaxaysa 10–40 sanadood, taaso dhibaato weyn u geysata beerka, cirrhosis (scarring), iyo kaansarka beerka. Maanta, HCV waa qaybta ugu wayn ee dalka Maraykana oo sababa in dadka beerka laga baddalo. Wakhtiga xaadirka ah ma jirto tallaal ama wax daweeya HCV, laakiin waxaa jira siyaabo kale ee wax lagu daweeyo oo meesha ka saari kara feyruska iyo/ama gaabiya ama joojiya cudurka ku fidaya dadka qaarkood.  Machadka Qaranka ee Caafimaadka (National Institutes of Health (NIH) ayaa qiyaasa in illaa affar malyan ee Maraykan ay qabaan infeshkanka isu badala HCV. Maraykanka sanad kasta waxaa u  dhinta  HCV waxaa lagu qiyaasay 8,000–10,000 wax ka yimaada HCV dhibaatooyinkiisa. Tiradaan waxa la filayaa in saddex jibbaaranto 10–20 sanadoo ee soo socda. HCV ayaa ah sababta ugu weyn ee keenta in dadka Marayknka beerka laga baddalo.

Beerka
Beerka waa xibinta ugu weyn jirka xibnaha gudaha, wuxuuna ku yaallaa saableyda  dhinaca midig ee caloosha. Waxaa misaankiisa lagu qiyaasaa 3 rodol wuxuuna cad ahaan la egyahay kubadda cagta ee Maraykanka laga cayaaro. Beerka waxa uu masuul ka yahay waxtar 500 gaaraya oo aan laga maarmin. Waxaa uu shiidaa waxkasta oo la cuno , hawo iyo waxa jirka uu qaato.

Beerka waxa la cuno iyo waxa la cabbo ayuu u baddalaa quwad iyo tiirka dhisa murqaha, hoormoonka, meelaha xinjirrada ka dhashaan, iyo diffaaca xibanaha jirka. Waxaa uu kaydiyaa fitaamino, nafaqo iyo sonkor wakhti dambe la isticmaalo. Unugyada beerka waxa ka abuurma dheecaan, kaaso jirka u fududya in uu dheef-shiidiida iyo dhuuqa nafaqada. Beerka waxa uu ka nadiifiyaa waxyaabaha jirka u daran. Isaga ayaa isku koriya unugyadiisa—caddad illaa ¾ mudda ayay beerka ku qaadataa inuu dib uu soo abuurmo dhowr usbuuc gudahooda.  

Cagaarshoga waxaa sida fudud lagu macneeyo huridda beerka. Waxa dhici karta in fayrusyo ay sabab u yihiin, kimiko sun wadata, daroogo, ama waxyaabo kale. Nooca ugu badan ee cagaarshowga cudurka weyn leh waa feyruska cagaarshowga A (HAV), feyruska cagaarshowga B (HBV), iyo HCV. Saddexdan fayrus waxa kaliya oo ka dhaxeeya waa iyaga oo saamaynaya beerka.  

 

Qaadista iyo Kahortagga HCV
LEANA ROSETTI

Qaadista HCV 
HCV waxa layska qaada  marka  si toos ah dhiigga uu dhiig kale ku qasmo. Siyaabaha laysku qaadsiiyo waxaa kamid ah in la wada isticmaalo daroogada laysku duro iyo daragooga aan laysku durin (cirbadaha, digsiyada wax lagu kariyo, tourniquets, dhuunyaraha cabitaanka, tuboyin, iwm.)  Cirbada jirka lagu sharraxo, jirka la dalooliyo, iyo xitaa cirbadaha lasyku daweeyo ee jirka lagu mud-mudo waxa ay faafiyaan HCV. Wadaagista waxyaabaha gaarka sida waxa garka lagu xiiro, rumayga, ama ciddiyaha simaha uma badna in ay yihiin siyaabaha laysku qaadsiiyo haddana waa wax dhici kara.   Wixii ka horreeyey 1992, dadka badankooda waxa ay cudurka HCV ka qaadi jireen dhiigga ama qalabka dhiibka lagu  qaado. 1992 ayaa la soo saaray tijaabada  lagu aqoonsanayo unugyada dhiigga ee ka hortaga HCV. Wakthigaas wixii ka dambeeyaya dhiigga kaydka ah waa la siifyay.  Maantay in aad HCV ka qaaddid dhiig infekshan leh waxa ay ka yartahay 0.01%. 

Shaqaalaha daryeelka caafimaadka waxa ay halis u yihiin cudurka HCV sababta oo ah waxa dhici karta in si lama filaan ah ay isku duraan cirbad leh dhiigga qof cudurka qaba.  Militarigii hore ee la tallaalaay, ama la cirbadayey, ama la siiyay daryeel kale ee caafimaad iyaga oo dagaal ku jira waxa ay halis weyn u yihiin in ay fayruska qaadaan. 

Hooyooyinka qaba HCV ee ilmahooda qaadsiya inta aanay dhalin ama dhalashada kaddib waxaa ay qiyaastii dhacdaa 5-6% ee dhalashada hooyooyinka qaba HCV+. Halista ilmaha in la qaadsiyo waxa ay ku xirantahay in  la qaaddo infakshanka HBV ama HIV, taaso ay u badantahay in HCV ay u gudbiyaan ilmahooda. Cilmi baarisyada qaarkood ayaa muujiyey in HCV laga helo caanaha naaska, laakiin naasnuujintu ay tahay mid halista ka baxsan. 

Waddada laysku qaadsiyo waxa ay kor u kacday 10% dadka qaba HCV ay yihiin kuwo aan la ogayn. HCV layskuma qaadsiiyo waxyaabaha sida hindhisada, qufaca, habsiinta, ama marka la wadaago qalabka wax lagu cuno ama galaasyada wax lagu cabbo. 

HCV iyo Galmada
Boqolkiiba dad aad u yar ayaa HCV qaada marka ay galmoodaan ayagoo aan isticmaalin salbatiibo. Dadka lagu tilmaamo kooxaha “halista weyn ku jirta” (qaanisyada, dhilloyinka, dadka dhowr qofood la galmooda, iyo dadka qaba STD), in galmada ay isku qaadsiyaan waa wax caadi ah. 

Kahortagga HCV 
Ha la wadaagincirbadaha daroogada laysku duro ama wasakhda daroogada kale sida, waxa garka lagu xiiro, rumayada, ciddiya jaraha, cidiya simaha, ama shay kasta oo dhiig yeelan kara cidna ha la isticmaalin. Iska hubso in aad qalblka maqaarka lagu sharraxo, jirka lagu duro, ama cirbadaha yar yar jirka laga taago, in ay yihiin kuwo la soo sifeeyay. Nabarada iyo dhaawacyada oo idil waa in la daboolo. Inkasto isqaadsiinta galmada ay aad u yartahay, haddana, waxa aad halistaasi ku sii yarayn kartaa adiga oo isticmaalaa galamada taxaddir leh, taaso ay kamid tahay isticmaalka salbatiibada. Akhbaar laga soo xigtay Xarunta Kahortagga iyo Koontoroolka Cudurrada (Centers for Disease Control and Prevention (CDC), haddii aad tahay qof noloshiisa deggantahay, xiriir galmo la sameeya hal qof iyo in aadan rabin in aad wax ka badashid, inkastoo loo baahanyahay in laba ay wax ka dhaxeyaan in ay ka wada hadlan fursadda galmada difaaca leh haddii labada qof uu mid ama labadaba ay ka baqayaan in cudur lays qaadsiiyo. Haddii qofka dumarka ah ay qabto HCV, waa in ay galmada iska ilaaliso marka ay ku jirto caadada  billaha . Ilkaha oo si fiican loo daryeelo waxa ay kaa dhowraysaa in dhiig cirridka ka yimaado, taasoo ah waddo kale oo cudurka laysku qaadsiyo. 

Dhakhtarkaaga iyo dhakhtarka ilkaha iyo daryeelayaasha kale ee caafimaadka u sheeg haddii aad tahay qof qaba HCV.  Haddii aad tahay qof dumar ah ee qaba HCV, la hadal dhakhtarkaaga inta aadan ku talagalin in aad uur qaadid. 

Calaamadha Lagu Aqoonsado HCV
Dadka badankooda calaamado yar ayaa lagu arka amba calaamaaa ma leh marka u infeshanka HCV marayo meel halis ah. Dadka qaba HCV dabadheeratay (karoonik) sidoo kale maba yeeshaan calaamada iyadoo noolashoodu caadi u muuqato. Laakiin kuwa nugul waxay yeelan karaan calaamado sida lallabbada, daal, xummad, madax-xanuun, rabitaanka cuntada oo ka yaraata, calool-xanuun, xanuun murqaha iyo kalagoysyada. Muddo ka bacdi (sida badan sanado ama xitaa dhowr tobnad) dadka qaba HCV ee ba’an waxaa kordhi kara calaamadaha qaarkood oo la la xariira waxyeellada beerka. HCV ee ba’ani wuxuu kaloo kulansiiyaa xaalado kale oo baahsan oo la xariira wayellada beerka.

Cagaarshoga Ba’an ee  C
• Jirrooyin sida hargabka oo kale ah
• Daal (mid fudud iyo mid culus)
• Qandho
• Dhididka habeenkii
• Rabitaanka cuntada oo yaraata
• Lallabbo
• Mantag
• Shuban
• Cagaarshow
• Caloosha oo fadhida
• Madax xanuun

Calaamaha ay Soo Sheegaan Dadka Qaba HCV
• Xanuun murqaha iyo kalagoysada
• Calool xanuun
• Calool fuur

Cagaashowga  C ee Ba’an
• Daal (mid fudud iyo mid culus)
• Qandho
• Rabitaanka cuntada oo yaraata
• Lallabbo
• Caloosha oo fadhida
• Madax xanuun
• Xanuun murqaha iyo kalagoysada
• Calool xanuun
• Niyo-jab
• Isbaddallo Xooggan b
• Xasuusta oo Lunnta

Heerka Dambe ee Cagaarshowga C iyo Cirrhosis (cudur beerka ku dhaca)
• Daal (fudud ama badan)
• Qandho
• Rabitaanka cuntada oo yarada
• Lallabbo
• Mantag
• Dareeraha oo Ceshooma
Calaamadaha HCV
• Kaadi badan
• Cagaarshaw
• Caloosha Fadhida
• Madax xanuun
• Xanuun murqaha iyo kalagoysyada
• Calool xanuun
• Dibbiro
• Niyo-jab
• Isbaddallo xooggan
• Garashada oo xumaata
• Adkaysi la,aan
•  Isku buuqis maskaxda
• Wareer
• Aragtida kala jeedda

 

HCV Faafidda Cudurka

Cirrhosis waa hab ay unugyada beerka ay waxyellobaan ama ku dilmaan laguna baddalo unugyo xumaaday. Marka ay sii kordhaan unugyada xumaaday waxa ay wax u dhimayaan socodka dhiigga dhexmara beerka, taaso sii kordhinaysa dhimashada unugyda fiican iyo beerka oo howshooda si ba’an hoos ugu dhacdo. 

Compensated Cirrhosis macnaheeda waxa ay tahay in unugyada beerka ay si xun u hallaabeen laakiin uu beerku weli sii wadi karo hawlaha badankooda, dadka uu ku dhaco “compensated cirrhosis” waxa lagu arkaa calaamado aad u yar amaba waxba laguma arko.  

Decompensated Cirrhosis macneheeda waaa in beerka uu si baahsaan u hallaabay uuna joojiyey hawlihi oo dhan. Dadka uu ku dhaco “decompensated cirrhosis” waxaa badanaaba uu isu baddalaa dhibaatoyin horleh sida dhiig karka xididdada maraya beerka (portal hypertension), “varices” (xididdada dhiigga qaada oo caadadisma iyo iyago tabardarreeya) ee hungurigara dhuunta (halka ay maraan waxa la laqo) iyo caloosha, dhiigbaxa xibnaha gudaha, “ascites” (dheecaan isku aruura), iyo xalaado kaloo nafta halis u ah. Waxa kaloo la soo gudboonaanaya jaahwarer xagga maskaxda oo wax laga qaban karo. 

Kaansarka beerka wuxuu kordhaa xilliyada  dambe ee cudurka HCV, caadi ahaan 25–30 sanadood kaddib. Nooca kaansarka beerka ee loo yaqaanno HCV waxaa la yiraahda “hepatocellular carcinoma” (HCC).

Xaaladaha La Xiriira HCV
Waxa jira tiro xalaado kala duwan ee la xiriira HCV. Xalaadahaan qaarkood waxa la yiraahda xaaladaha qaabka isdifaaca xubnaha jirka, kaaso xibnaha jirka ay dagaal ku qaadayaan isla unugyda jirka. Xalaadahaan waxa mararka qaarkood lagu arkaa dadka qaba HCV dabadheeraada oo uu kamid yahay xaaladda aan caadi ahayn ee Sjögren’s (oo lagu yaqaanno indhaha iyo afka oo qalala) xaaladaha kelyaha ee loo yaqaanno “glomerulonephritis”, iyo xaaladaha maqaarka sida “lichen planus’ (oo gaar u ah dhaawacyo caddaan ah ama buuran) iyo “porphyria cutanea tarda” (oo gaar u ah cuncun ka imaada qorraxda).

Xaaladaha kale ee la xiriira waxaa kamid noocyada lafa xanuunka (kalagooysyada oo hura),  arthralgia (xanuunka kalagoysyada), cudurka unugyada korriimada, “vasculitis” (xididdada dhiigga qaada oo hallaaba), iyo “cryoglobulinemia” (borotiinka dhiigga  oo sare u kaca oo fadhista kelyaha, maqaarka iyo meelaha ay ku dhammaadaan xididada dareemayaasha). Xaaladaha ugu daran waxa ay la xiriiraan waqtiyada  dambe ee cudurka HCV, marka uu beerka hallaabo oo uusan sidii laga rabay u shaqaynaynin. Dad badan oo qaba HCV weligood xaaaladahaan lama soo gudboonaadaana. Dhakhtarkaaga la xiriir haddii aad isku aragtid waxyaabo aan caadi ahayn. 

Cudursheega HCV

HCV Antibody Tests HCV ELISA: waa tiijabo fudud oo dhiigga lagaa qaadayo si lagu ogaado haddi aad leedahay unugyada la diriras HCV. 

RIBA HCV: waa tijaabo labaad ee unugyada wax la dirira oo dhici karto in la sameeyo kaddib marka la qaado tijaabada ELISA si lagu xaqiijiyo jiritaanka unugyada la dirira HCV. Tijaabdan waxaa caadi ahaan lagu sameeyaa dadka tijaabadu ay sheygayso in ay qabaan HCV Elisa laakiin ay u badantahay in ay halis u yihiin waxyaabaha laga qaado  HCV.

Viral Load Tests: Tijaabada “Viral load tests” waxa ay cabbiraysaa cadadka HCV ee dhiigga ku jira. Virtal load baaristiisa waxaa lagu hubiyaa cudurka HCV in uu jiro, si lagu saadaaliyo jawaabta laga helayo daweyntiisa, iyo cabbirka sida fiican oo daawada wax uga qabanayso la dagallanaka fayruska inta ay daaweyntu socoto.  

Waxaa lagu taliyaa in la xafido koobiyada tijaabada shaybaarka iyo natiijada xinjirta la jaray si mustaqbalka loo adeegsado. Tijaabada hoose waxaa lagu ogaanayaa haddii aad qabtid cudurka HCV iyo heerka uu cudurka u faafayo. 

 

Tijaaboyinka Unigyada Nooca Hiddowayaasha (Genotype Tests)
Tijaaboyinka Genotype waxaa loo isticmaalaa si lagu ogaado nooca HCV ee aad qabtid. Akhbaartan waxa ay wax u taraysaa waxa ku saabsan go’aannada daaweyinta, sida inta ay la egtahay daawada la qaadanayo, muddada daaweynta ay qaadaynayso, iyo fursadaha ka jawaabaysa daaweynta. 

Tijaaboyinka Kiimikada/Waxqabka Beerka (Liver Biochemical/Function Tests)
Waxaa jira dhowr tijaabo oo loo isticmaalo si lagu agaado sida uu beerkaagu u shaqeeyo. Cabbirka inta badan la isticmaalo waa “alanine aminotransferase” (ALT) iyo “aspartate aminotransferase” (AST). ALT iyo AST waa kiimiko falgalka dejisa ee dhiigga lagu sii daayo marka uu beerka hallaabo. Waxa ay heer sare ka yihiin dadka qaba cudurka HCV. Dad badan oo qaba HCV heer dhexaad sarreeya ee labadaan kiimiko falgalka dejiya, oo ah tilmaanta ugu horreysa ee sheegysa in uu cudurka jiro. 

Heerka xaaladaha aan caadiga ahayn waxa dhici karta in ay noo sheegayso faafidda cudurka, iyo waxyaabaha kale ee aan caadiga ahayn. Waxyaabo badan sida isticmaalka daawada iyo qamriga  shaybaarkua wuxuu ka  sheegaya naatiijoyin aan caadi ahayn. Inta aan go’aan laga gaarin waxa ay natiijada noqon doonto, la xiriir daryeelaha caafimaadka. 

Xinjirrada Beerka Laga Jaro
Xinjrrada beerka laga jaro waxa ay cabbirayaan heerka uu gaarsiisan yahay xanuunka, inta ay la egyihiin unugyada hallaabay, iyo caafimaadka guud ee beerka. Waxa kale ee loo isticmaali karaa in ay ku caawiyaan si lagu oogado haddii daaweynta loo baahanyahay. Habka inta badan la isticmaalo waxa ay tahay inla kabaabyeeyo maqaarka iyo muqurra kaddibna si dhaqsiya ah beerka lagu duro cirbad dheer ee dhuuban si lagu soo jaro xinjirta. Dadka badankiisa waa ay ka cabsadaan habkaan, laakiin cilladda ka timaaddaa ayaa aad u yar. Haddii aad ka walaacsantahay habkaan, weydiiso dhakhtarkaaga daawa yar oo ku dajisa inta aan xinjirta lagaa soo jarin iyo kaddibna daawo xanuunka baabi’isa. 

 

HCV Fursadaha Daaweynta
Maanta, heerkadaryeelka ee lagu daaweyo HVC waxa ay tahay isku- darka “pegylated interferon” oo la soo raaciyo “ribavirin”. Cilmibaaris socota waxa lagu soo saarayaa daawoyin cusub oo waxtar badan si markaasi loo kordhiyo fursadaha rajada laga qabo ee cadadka buukaannada qaba HCV. 

Waxa kale oo jira siyaabo kale oo barbar socda ee daaweyn ah oo dadka ay u isticmaaleen si lagu daaweyo cudurka HCV, tusaale, “milk thistle” (silymarin) iyo “licorice root” (glycyrrhizin). Daaweynta dhirta iyo kuwa kale waa in dhakhtarkaaga aad kala hadashid.

Daawoyinka Farmashiyada
Pegylated interferon iyo Ribavirin. Pegylated interferon (PEG) waa nooc hawlgalkiisa qaadato muddo dheer ee interferon oo laysku duro usbiica mar. PEG waxa ay ku sii wadaysaa heer joogto ah ee “interferon” ku haynysaa dhiigga iyo waxa ay si fiican u yaraynaysaa awoodda ay HCV in la eg sii samayso. Ribavirin waa daawo afka laga qaato oo fayruska kahortayga waxaana lala isiticmaala “interferon” si ay u daaweyaan cudurka HCV. Ribavirin keligeed waxba kama qaadayso HCV.

Isku-darka “pegylated interferon” iyo  “ribavirin” waxa hadda loo haystaa sida caadiga ah ee lagu daaweyo HCV.  Hal usbuuc ayaa cirbad lagu durayaa maqaarka. Qiyaasta ribavirin ee hal mar la qaato waxa ay ku xirantahay culayska qofka. 

Cabiridda Jawaabta Daawada
Dadka la siiyo daaweynta HCV waa in si joogto ah laga qaado tijaabo si lagu ogaado dhibatoyinka ka imaan kara iyo in la hubiyo in daawa qaadashada ay natiijo leedahay. Haddii uu qof wax jawaab laga helin muddo saddex usbuuc ah daawada la siiyay, daawayn kale ee fayruska ma saarayso. Dhakhaatiir badan waxa ay ku taliyaan in wakhtigan la joojiyo daawada la qaato. Laakiin, natiijoyinka qaarkood waxa ay ku talisay in “interferon” ay yarayn karto unugyada hallaabaya iyo jirrada sii kordhaysa iyo caafimaadka beerka uu soo roonaado xitaa haddii fayruska meesha laga saari waayo.  

Jawaabaha fayruska waxa lagu cabbiraa sida uu qofka heerka cualyska fayruska uu kaga jawaabayo daaweynta. Marka uu qof culayskiisa fayruska aan la ogaan karin kaddib marka laga daaweyay HCV, tan waxa loo fasiraa in ay tahay jawaabta faysruska. Haddii fayruska aan lagu ogaan karin wax lix bilood ka dambeeya, waxaa markaa la isticmaalaya erayga ah waxaa la sii wadaya isticmaalidda jawaabaha fayruska (SRV). 

Baarista Daaweynta Farmashiyaha
Daaweynta HCV waxa ay la darastay horumarin heer sare ah, iyadoo faysruka jiritaankiisa la xaqiijiyaya oo kaliya 1989. Laakiin, fursadaha daaweynta waxa uu yeelaan  karaa dhibaatoyin kale oo feer socda daaweynta iyo  daaweynta oo markasta aan lagu guulaysan.   

Muddada Daaweynta iyo Daawoyinka
Muddada caadiga ee daaweynta ee cagaarshoga C ee daba dheeraada waa 48 usbuuc marka la qaato genotype 1, iyo 24 usbuuc genotypes 2 iyo 3.

Digniinta Ribavirin
Ribavirin ayaa laga sheegay in ay sababto ilmaha la dhasha xaalado ba’an iyo ilamaha oo dilmal.

Dumarka jira da’da ay ilmaha ku dhalaan, ninka ay lammaanaha yihiin, iyo dumarka lammaanaha la ah niman bukaan ah ee qaata Ribavirin waa in ay isticmaalaan laba nooc ee uurka celiya inta ay daaweyntu socoto iyo muddada lixda biloood ee ka dambeeya wakhtiga dabagalka ah. 

Tallaalada HCV 
Hadda lama hayo wax tallaal logu talagalay HCV, inkastoo la hayo tallaalada HAV iyo HBV. Waa ay adagtahay si loo sameeyo talaalka HCV waxaana sabab u ah marka fayruska uu leeyahay noocyo kala duwan ee noocyada unugyada isirka iyo sida fudud ee uu isku bad-baddalayo, waqtiga cudurka. Xoogaa horumar waa la sameeyay, haayeeshe tallaal wax ku ool ah ee HCV lama filayo sanooyinka 5-10.  

Saadaalinta Jawaabaha Daaweynta
In la raaco daaweynta HCV waa shay muhiim ah si lagu gaaro cadadka heerka ugu sarreya ee lagu helayo jaawaabta daaweynta. Marka lagu daaweynayo interferon iyo ribavirin waxa ay u badantahay in ay ka saarto HCV haaddi qofka uu leeyahay nooca genotype ee aan ahayn 1, culays hoose ee faysruka HCV, cudurka leh HCV ee muddada gaaban ah, cudur dhexe ee loo dulqaadan karo, dumar tahay, jir iyo joog caafimaad qaba iyo da’ yar. Marka horeba ee culeyska fayruska uu hoos uu u dhaco waxa ay saadaal u tahay jaawab guul leh marka ay daaweynta dhammaato. Tusmadan waxaa la isticmaali karaa in uu ka caawiyaan si loo diyaariyo daaweyn ama lagu joojiyo daawada aan waxba taraynin.  Laakiin dhakhaatiirta qaarkood waxa ay rumaysan yihiin in daaweynta la sii wado, sababto ah dadka qaarkood waxtarka daaweynta ayay dareemayaan ama caafimaadka beerka ayaa soo roonaanaya xitaa haddii aan la sheegin karin culeyska faysruska ama uu ka yaraado cadadka la soo jeediyaya.  

Jimicsiga waa qaybta ugu muhiimsan ee caafimaadka lagu ceshado, waana wax run ah inta ay daawynta socoto. Dhaq-dhaqaaqa jirka waxa ay caawinaysa niyadsami iyo qofka in uu u soo jeedo hawsha uu hayo iyo wanaagsanaanta ay sii korodhiso.  Meel dhexaadnimada waa shey muhiim marka jimicsiga la samaynayo. Kuwa ugu fiican waxaa kamid ah iskala bixinta, socodka, yooga, iyo hawlaha kale ee aad adiga samaysid. 

Dadka qaarkoda, dhibaatad jimicsiga ka timaada  waxa ay ka xunyihiin marka laba bilaabo in daawada la qaato waxayna si yaraanaysaa muddo kaddib. Sababta ugu badan ee loo joojiyo qaadashada daaweynta HCV waa dhiig yarida (unugyada dhiigga ee guduudan oo tira yar), unugyada platelet oo yar, iyo unugyada dhiigga qaada ee cad oo yar. Waxaa jira daawooyin la isticmaalo si lagu xaddido xaaladahaan oo dhakhtarkaaga uu kuu soo qorayo. 

Dadka qaarkooda xibnaha korriimada aya xumanaaya inta la qaadanayo daaweynta interferon. Xaaladda hawlaha xibnaha korriimada waa in si fiican looga warhayo ka hor inta aan la billaabin daaweynta iyo saddexda biloodba inta daaweynta ay socoto.  Dadka badankooda, hawlaha xibnaha korriimada waxa ay sida caadiga dib ugu soo laabanayaan marka la joojiyo qaadashada daawada, laakiin dadka qaarkood waxa dhici karta in dhibaatoyin  aan waxba laga qaban karin ee ku dhaca xibnaha korriimada oo u baahan in daawo loo sii qaato.  

Maamulidda Dhibaatoyinka Ka Yimaada Daawo Qaadashada
Dhiibata ugu badan ee ka timaada daawo qaadashada ee interferon iyo ribavarin waxaa kamid ah jirro lamid ah duray meeldhaxaad ah, xanuunka murqaha iyo kalagoysyada, lallabbo, madax xanuun, daal, cuuntada oo laga go’o, jirka oo qalala, walaac, niyadjab, iyo hurdo la’aan.  Cudurradaan qaarkooda waxaa lagu daaweyn karaa qaadashada ibuprofen ama acetaminophen oo wax yar la qaato (2 garaam ama ka yar maalintiiba). Caddad badan ee acetaminophen waxa ay sumayn karaan beerka. Dadka dareema waalac, caro badan, ama niyadjab waxaa caawin kara daawo meeldhexaad wax u dejisa iyo daawada niyadjabka loo qaato.  La tasho dhakhtarkaaga inta aadan qaadanin daawoyinkan. 

Furaha maamulidda daaweynta HCV waxa ay la xiriirta in dhacdada dhibaatoyinka barbasocda sida ugu dhaqsiya badan wax looga qabto. Markasta u soo sheeg daryeelaha caafimadkaaga dhibaabtoyinka ka yimaada qaadashad daawada sida ugu dhaqsiya badan inta aanay noqon kuwo ba’an.  

Cuntada
Bacdama beerka uu sifeeyo iyo kiimikada ka saara waxkasta ee aad cuntid iyo aad cabtid, waxa muhiim ah in la cuno cunto isku dheellitiran oo caafimaad leh. Cuntada raacda xeerarka guud oo ka kooban nafaqo caafimaad leh oo ku salaysan habka cusub ee Food Guide Pyramid ayaa badanaaba dadka lagula taliyaa in ay raacaan. Cuntada noocan waxaa ku yar dufanka iyo cusbada, waxaana ka buuxa nafaqo sonkor iyo quwad leh iyo nafaqo leh. Marka cuntda qaarkeeda layska dhaafo waxa marka yaraanaysa howsha uu ka qabanayo sifeynta iyo shiidinta, taaso guud ahaan beerka ka dhigaysa mid caafimaad qaba. Cuntada warshadaha laga soo diyaariyo waxaa ka buuxa kiimiko, marka iska yaree cuntada la qasacaadeyey, la qaboojiyey, iyo kuwa kale ee kimiko si cimrigooda loo dheereyo. Marka la cuno miraha iyo qudaarta sideeda beerta looga soo jaray waxa aad marka iska dhowraysaa kuwa xasharaadka sunta looga dilo iyo kuwa kiimikada lagu daro marka ay u soo korayaan oo ka duwan kuwa sida caadiga ah u baxa. Aqriso calaamadaha oo si aad u baratid waxyaabaha ay cuntada ka koobantahay.

Barotiinka waxa laga hela digaagga, malayga iyo qudaarta oo ah tan ugu nafaqo badan. Waxa lagaula taliyaa dadka qaba cudurka beerka oo nooc kasta ah in ayna cunin lohodka  cayrin ah ama aan si fiican loo karinin (xita haddii ay difaac ka haystaan cagaarshowga beerka). Dadka qaba HCV in ay iska dhowraan cuntada cusbada, dufanka ama sonkorta badan. Maaddada laga helo shaaha iyo qaxwahaba (caffeine) waxaa ku jira kiimiko u baahan in beerka uu sifeeyo, iyo waxaa lagu taliyaa in la yareeyo isticmaalak qaxwaha, shaaha iyo soodhada. Bacdama shukulaatada ay leedahay dufan badan (iyo maadoyinka kamid ah kuwa laga helo qaxwaha), waxa fiican in cuniddeeda in si qiyaasan loo cuno.  Dadka qaarkiis oo qaba HCV ma xamili karaan caanaha iyo waxa caanaha laga sameeyo. Haddii xaaladda ay sidaa tahay waxaa fiican in canaaha lagu baddalo wax kale sida caanaha digirta iyo beriiska laga sameeyo. Cuntada isku dheelitiran oo waxkasta leh waa in ay lahaato macdanta uu jirka u baahanyahay, waxaa kaloo jirta in daka qaarkiisa ay qaataan fiitaminno ka koobn dhammaan fiitamiinnada aan laga maarmin. Fiitaminnada quwadda badan sida kuwa leh in badan ee A iyo D; fitamiinka A waxa uu sun u gudbin karaa beerka. Haddii aad u baahatid fiitaminnada awoodda badan iyo/ama nafaqada laga helo qudaarta, waxa aad doorata mid awoodeedua ay hosayso ayna lahayn birta macdanta ee cuntada qaarkeeda ku jirta. 

Dadka qaba HCV wa inay la tashadaan cunta yaqaanno fasax u haysta habka cunta qaadashada gaarka ah Ha isku dayin in aad cunto cunto aan caadi ahayn adiga oo aan la tashan dhakhtar waxaa ku takhasusay. Waxaa intaaa sii dheer, iska hubso in aad dhakhtarkaaga u sheegtid waxa ku saabsan fitamiin kasta oo aad qaadatid. 

Khamriga iyo Daroogada
Baaris cilmiyed badan waxa ay caddayeen in isticmaalka badan ee khamriga uu soo dedejinayo faafidda cudurka HCV. Lama oga haddii in isticmaalka goos-gooska iyo midka fudud ee khamriga in uu dhibaateeyo beerka, laakiin khubarada badankooda waxa ay ku taliyaan in dadka qaba HCV in ay gebi ahaamba khamriga iska dhaafaan. Daawoyinka inta badan (kuwo laguu soo qoro, iyo kuwa aan la qorid u baahnayn, ama raaxada) waa in uu beerka sifeeyo. Dadka qaba HCV  waa in ay iska ilaaliyaan dawoyinka raaxada iyo tubaakada (sigaarka). Dharktarkaaga heybso inta aadan qaadan daawoyinka la qoro iyo kuwa aan la qorin.  Dhirta wax lagu dabiibo qaarkood waxaa la soo caddeyay in ay waxyeeleeyaan beerka.

Caafimaadka Sare ee Guud
Maamulidda  cadaadiska ama kadeedka
Dejinta cadaadiska waxa ay kamid ah siyaabaha ugu weyn wax looga qabto cudurka HCV. Marka aad qabtid cudur dabadheeraada waa marxalad cadaadiska badan leh. Dad badan ayaa soo sheega “cadaadis” (muddoyinka u badan in uu cudursheega uu sii kordhayo) kaddib marka cadaadisku laga soo gudbo. Jimicsi, isnasiino, iyo wakhtiga oo si deggan loo agaasimiyo waxa ay kulligood waxa ka gaysanayaan yaraynta cadaadiska. Iskuday in aad u dhaqantid adiga oo ogsoon xaaladda dhabta ee caafimaadkaaga iyo in ay niyadsami jirto. Garashada xaaladdaada adag e ee cudurka beerkaaga waxaya muhiim u tahay sawirka dhabta ee xaaladdaada.

Maamulidda daalka
Daalka iyo heerarka tabaryarida waxa ay caadi u noqdeen dadka qaba HCV. Xafido inta ay awooddada tahay oo iska ilaali waxa aadan awoodin. Marka aad waxqabasho qorshaysato samayso wakhtiyo aad nasato ama aad seexatid. Xusuuso in caafimaadkaaga u yahay muhiim—baro in aad “maya” ku tiraahdid saaxibbada iyo qaraabada kaa filanaya  in aad qaban kartid wax awooddaada dhaafsan. 

Maamulidda wakhtiga
Qorshayso arrimahaaga iyo isku day wax ah si hubaal u shaqeeya iyo jadwal raaxa qaadasho leh. 

Isticmaal jadwal maalinle ah oo kugu caawiya abaabulidda iyo isku dubbarididda hawlaha. Si joogta ah u kaasho jadwalkaaga maalinlaha ah marka aad ballamo samaysanayso iyo jadwalka qorsheeya hawlahaaga .  Ha halmaamin in aad ku dartid wakhtiga nasashada.

Isnasiinta
Isnasintu waxay wax ka tari kartaa maamulidda iyo la nolaanshaha HCV ama cudur kasta ee dabeedhaarada. Waa wax fudud oo si sahlan loo baranayo. Isnasiinta waxa ay hoos u dhigi kartaa cadaadiska waxa ay ku caawinysa muuqaal caafimaadee ee nolosha.  

 

TALLAALKA

Wax si weyn loogu waaniyaa in ay sameeyaan dadka qaba HCV ayaa ah in ay iska tallaalan cagaarshowga A iyo B haddii aysan haysan wax ka difaaca. Cudurka ba’aan ee HAV iyo HBV aya laga soo sheegay dad qaba cudurka HCV. Tallaalka cagaarshowga A waxa uu ka koobanyahay laba goojo oo muddo lix bilood ah. Labada tallaalba waxaa laga sameeyay fayrus dhintay iyo in ay yihiin kuwa laysku halleyn karo oo waxtar leh. Iskudarka HAV/HBV aya waxaa oggolaatay FDA Maajo 2001. 

Internetka
Internetka waaxa ka buuxa akhbaar tira badan, mid fiican iyo mid xumba. Marka iska eeg halka uu akhabaartu ka imaanayo. Eeg taariikhaha iyo meelaha laga soo xigsado. Akhbaar kasta ee aad ka shakisid dabagal ku samee. Iska hubso wax aad ku aragtid Bogga internetka oo dhahaysa ‘daawo lagu biskoodo” ama akhbaar kale ee aan dhab ahayn. Xusuuso in akhbaarta idil ee aad Internetka ka hesho in aysan sax ahayn.  Kala tasho dhakhtarkaaga akhbaar kasta oo ku shaki galisa. Waxa laga fiirsado waxaa laga helayaa waxtar muddo dheer mira dhalinaya! 

Jimicsiga
Jimicsi fudud aya lagula taliyaa dhammaan dadka aan weli gaarin heer halis leh ama u ku jira kan kama dambeysta ah ee HVC. Jmicsiga waxa uu kaa caawin karaa dhimista cadaadiska waana shay aad ugu fiicaan hanashada caafimaad fiican. Laakiin, jimicsi badan waxa sababi karaa “flare-ups”. Isku day in aad dooratid jimicsi fudud sida socodka iyo dabbaasha. Kaddibna xooga xooga ku dar ilaa aad ka gaartid heerki aad  rabtay. Markasta la tasho dhakhtarkaaga inta aadan bilaabin barnaamijka jmicsiga. 

Kooxa wax Caawiya
Dad badan oo qaba HCV waxa ay dareemaan cidlo oo dhiibatoyin kaga timaadda xaaladda nolosha leh cudur dabedheeraada. Kooxaxa wax caawiya waxaa laga helayaa meel looga hadlo arrimaha qiiraada leh ee ku saabsan HCV. Waxaa inta sii dheer taloyinka aad la wadaagaysid xubnaha waxa ay kaa caawin karaan arrimaha ku saabsan go’aanno meelo kala duwan uu jeeda ee haysta dadka qaba HCV. Waxaa si weyn lagu talinayaa in aad kamid noqotid koxahan inta ay daaweyntu HCV kuu socoto.  

Cagaarshowga C  ee dabedheeraada waa cudurga gala beerka wuxuna la imaan kara dhiibaato halis xun dhalisa. Waxaa fiican in la xasuusto in dad badani aysamba dareemaynin calaamadah ama faafidda cudurka. Kuwa goor dambe haleesho faafidda cudurka waxa laga yaabaa in aanayba lahayn calaamadaha tobanaan sano. Haddana, dadka qaarkood waxaa durbadiida ku xumaada cudurka beerka kaa soo sabibi kara beerka oo hallaaba  ama geeri. Daaweyn cusub ee HCV ayaa hadda la tijaabiyaa, waxaana la rumaysan yahay in fursadaha daaweynta la filayaa in shan sanadood gudahooda daawyn loo helo. Waxaa intaa dheer, isbaddalada sida loo noolanayo sida cunto fiican, jimicsi, agaasinka cadaadiska waxa ay kaa caawin karaan in hakiyaan dibaatoyinka daaweynta ay keeni karto iyo in gaabiso faafidda cudurka. 

 

Ilaha

Faahfaahin dheeraad ee la xiriirta  HCV, la soo xiriir ururrada soo socda 
• American Liver Foundation
1-800-465-4837, www.liverfoundation.org
• Gaargaarka Xiiriika C (Hep C Connection)
1-800-522-4372, www.hepc-connection.org
• L.O.L.A. (Ururka Laatiinka ee Feejignaanta Cudurka Beerka)
1-888-367-5652, www.lola-national.org
• Hepatitis Foundation International
1-800-891-0707, www.hepfi.org

 Ilaha Farmashiyada
• Roche Patient Assistance Program—Pegassist
1-877-PEGASYS (734-2797)
Schering-Plough Commitment to Care
1-800-521-7157

Ilaha cudurrada lammaanta ah ee HIV iyo HIV/HCV
• Akhbaarta Qorshaha (Project Inform)
www.projectinform.org
hotline: 1-800-822-7422
• HIV iyo Hepatitis.com
www.hivandhepatitis.com
• Qorshaha Qaranka ee Daaweynta iyo U Doodidda AIDS (National AIDS Treatment Advocacy Project)
www.natap.org

  

Oogolaanshaha lagu badalayo, lagu daabacayo, iyo lagu qaybinayo dukumiintigan sababo la xiriira waxbarashada waxaa laga helay iyo lagu dhiirrigaliyay guddoonsi ka yimid Cagaarshowga C Qorshaha Taageerada. 


Back to top

Back to Hepatitis C


About Hepatitis | News Updates | Community & Support | Resource Library | About HCSP | Contact Us | Site Map | Recursos en Espaņol | Home

Hepatitis C Support Project

(C) 2008. Hepatitis C Support Project

Medical  Writers' Circle
Fact Sheets